DEG-DEG: Man United Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Jadon Sancho

Manchester United ayaa dalabkeedii ugu horreeyay ee rasmi ah u gudbisay Borussia Dortmund si ay uga hesho Jadon Sancho xilli ay Red Devils si aad ah u doonayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga suuqa xagaagan.

Man United ayaa talaabadii ugu horaysay qaaday si ay ula saxiixato Sancho iyaga oo ka gudbiyay dalab Rasmi ah sida laga soo xigtay wargayska Bild kaas oo sheegaya in ay Man United miiska saartay dalab dhan 69 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa in laga soo diido dalabkaas sabab la xidhiidha in ay Borussia Dortmund doonayso lacag dhan 90 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga.

Sancho ayaa haatan ku sugan waajibaadka xulka qarankiisa England isaga oo isku diyaarinaya in uu ka qayb qaato tartanka Euro 2020 oo bilaaban doona maalinta jimcaha.

United ayaa si aad ah u doonayso saxiixa xiddiga Sancho si ay ugu xoojiso garabka maadama ayna haysan xiddig ka ciyaara Booskaas oo ah xiddig heer sare Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*