DEG-DEG: Man United Oo Dalab Cusub Ka Gudbisay Saxiixa Frenkie de Jong.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Erik Ten Hag ayaa si aad ah u doonaya saxiixa xiddiga waxana uu ugu dambayn heli doonaa saxiixiisii ugu horeeyay ee Man United.

Dalabka cusub ayaa mid dhan 65 milyan oo euro iyo waliba lacag gunooyin ah oo ku xidhan qaab ciyaareedka xiddiga.

Dalabka ayaa la sheegayaa in uu yahay mid ku qancin doona in ay iibiso xiddiga reer Netherlands.

Kooxda Barcelona ayaa horay looga soo diiday dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro iyada oo ay kooxdu dalbanayso lacag ku dhaw 100 milyan oo euro.

Hadii ay Barcelona aqbasho dalabka cusub ee Man United De Jong Ayaa Erik Ten Hag kula midoobi doona kooxda Man United kadib markii ay horay uga soo wada shaqeeyeen Ajax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*