DEG-DEG: Man United & Borussia Dortmnud Oo Ugu Dambayn Ka Heshiiyay Saxiixa Jadon Sancho.

Kooxaha Man United iyo Borussia Dortmund ayaa ugu dambayn ka heshiiyay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Jadon Sancho kadib wadahadalo muddo maalmo ah socday.

Saxafiga reer Germany ee Christian Falk ayaa haatan xaqiijiyay in ay labada kooxood ee Borussia Dortmund iyo Man United heshiis ka gaadheen saxiixa xiddiga.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu heshiisku ku kci doono lacag dhan 90 milyan oo euro iyo waliba lacago guno ah oo ku xidhan qaab ciyaareedka xiddiga.

Saxafiga oo u shaqeeya wargayska Sports  Bild ayaa sheegay in ay labada kooxood ee Dortmund iyo United isla gaadheen heshiis kama dambayn ah oo ku saabsan saxiixa xiddiga.

Isla saxafiga ayaa sheegay in heshiiska Sancho la saxiixi doono maalmaha soo socda si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Red Devils suuqa xagaagan.

Sancho ayaa sidaas ku noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Man United suuqa xagaagan sidoo kale noqon doona saxiixa 3-aad ee ugu qaalisan tariikhda Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*