
Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeay kooxda ku ciyaarta Etihad Staduim.
Man City ayaa xaqiijisay in uu xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne qalinka ku duugay heshiis cusub oo 4 sano ah isaga o ciyaaraha kaga fadhiisan kara kooxda Man City.
Kevin De Bruyne ayaa heshiiska ku duugay qalinka saacado kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay guul 2/1 ah kulan ka tirsanaa tartanka Champions Leaue markaas oo ay garaaceen kooxda Borussia Dortmund.
Xiddiga 29 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 300 kun oo Gin iyo waliba lacago guno ah oo ku xidhan ku guulaysiga kooxda ee koobabka kala duwan.
Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa kooxda Man City jooga doona muddo 10 sano ah hadii uu dhamaysto heshiiska kooxda ee uu haatan qalinka ku duugay isaga oo Halyeey ka noqon doona kooxda sida xiddigaha Sergio Aguero, David Silva & Vincent Kompany.
Be the first to comment