DEG-DEG: Man City Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Ferran Torres

Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Ferran Torres kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Valencia haatana sugaya in la siiyo warqada shaqo ee England.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo kooxda ku sii hayn doona ilaa xagaaga 2025.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku soo biiray Man City”ayuu Torres yidhi markii lagu dhawaaqay heshiiskiisa.

“Xiddig walba waxa uu jecelyahay in uu u ciyaaro koox ciyaarta kubad qurux badan oo weerar ah Man City ayaana ka mid ah kooxahaas”.

Torres ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Man City ee xagaagan iyada oo uu Guardiola dib u dhis weyn ku samayn doono kooxdiisa xagaagan.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa haatan sugaya kaliya inta loo soo saarayo warqada shaqada England si uu toos tababarka iyo ciyaarista kooxdiisa ula bilaabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*