DEG-DEG: Man City Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Jack Grealish

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Aston Villa.

Man City ayaa jack Grealish ka dhigtay saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaagan iyaga oo kala soo wareegay kooxda Premier League ee Aston Villa kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xiddigu.

Xiddiga ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga ee xiddigaha reer England kadib markii ay Man City ka bixisay lacag rikoodh ah oo dhan 100 milyan oo euro si ay u hesho saxiixiisa.

Kooxda Man City ayaa xiddiga 25 jirka ah ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Etihad Staduim sidaasna ku noqday saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*