DEG-DEG: Man City Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay John Stones.

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in uu daafaca dhexe ee John Stones qalinka ku duugay heshiis cusub oo wakhti fog ah kaas oo uu ku sii joogi doono kooxda ku ciyaarta Etihad.

Heshiiska daafaca ayaa markii hore dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2026.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa dib u helay booska joogtada ah ee Man City kadib markii uu u muuqday mid ka baxay qorshaha tababare Pep Guardiola sanadihii ugu horeeyay ee kooxda.

Laakiin xiddiga ayaa door weyn ka qaatay qaab ciyaareedka kooxda Man City xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda kula guulaystay horyaalka premier League.

“Aad ayaan u faraxsanahay in aan heshiis cusub u saxiixo kooxda kana sii qayb ahaado xiddigaha tayada leh ee jooga kooxda”ayuu Stones ka yidhi heshiiskisia cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*