DEG-DEG: Madaxweynaha Barcelona Ee Josep Maria Bartomeu Oo Iska Casilay Madaxtinimada Kooxda Barcelona.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa iska casilay xilka madaxtinimada ee kooxdaBarcelona, ​​kadib kulan deg deg ah oo uu yeeshay Masuuliyinta kale ee kooxda.

Bartomeu ayaa gudbiyay iscasilaadiisa isagoo ay wehliyaan dhamaan xubnaha maamulka kooxda taasoo sii kordhineysa dhibaatooyinka kooxda reer Catalan mudadii ugu dambeysay.

Dhibaatooyin ayaa ka billowday Bartomeu iyo qaar ka mid ah xiddigaha kooxda kadib waxa xigtay dhibaatadii uu Lionel Messi ku dalbaday in uu ka tago kooxda kadib guuldaradii 8/2 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Bayern Munich.

Shaqo ka caydhintii Setien magacaabistii Koeman waxana xaalka ku sii xumeeyay guuldaradii El Clasico ee sabtidii.

Dhibaatadii ugu dambaysay ayaa ahayd in ay xiddigaha kooxdu diidaan in ay madaxweynaha la kulmaan sidoo kale diideen in ay hoos u dhigaan mushaharkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*