DEG-DEG: Luka Jovic Oo Si Rasmi Ah Uga Tagay Real Madrid, Kooxdee Ayuu Ku Biiray

Kooxda Eintracht Frankfurt Ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay la wareegtay xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Jovic hal sano kadib markii uu kooxda ka tagay.

Weeraryahanka reer Serbia ee Jovic ayaa ku biiray kooxda Real Madrid xagaagii 2019 isaga oo ugu biiray lacag rikoodh ah oo dhan 60 milayn oo euro.

Laakiin kooxda Eintracht Frankfurt ayaa haatan xaqiijisay in ay si amaah ah oo ilaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ah kula wareegtay Jovic.

Jovic ayaa si weyn ugu dhibaatooday intii uu joogay kooxda isaga oo aan helin boos joogto ah oo uu ku muujiyo tayadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*