DEG-DEG: Liverpool Oo Xaqiijisay In Uu Van Dijk Mari Doono Qaliin Jilibka Ah, Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaan Doonaa.

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu daafaceeda Virgil Van Dijk Mari doono qaliin jilibka ah kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Everton.

Daafaca dhexe ayaa ka dhaawacmay jilibka kadib markii ay isku dheceen Goolhayaha Everton ee Jordan Pickford kadib 6 daqiiqo markii ay ciyaartu socotay.

Van Dijk ayaa u baahan qaliin si loo xaliyo dhaawaciisa waxana uu gali doonaa qaliin maalmaha soo socda.

Kooxda Liverpool ayaan shaacin wakhti uu Van Dijk garoomada ku soo laaban doono kadib qaliinkiisa.

Liverpool ayaa sidoo kale sheegtay in uu xiddigu bilaabi doono soo kabsashadiisa isla marka qaliinka lagu sameeyo si uu taam ugu noqdo in uu mar kale ciyaaro.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Holland garoomada ka maqnaan doono inta u dhexaysa 6 ilaa 9 bilood kadib marka qaliinka lagu sameeyo.

Sii Akhriso: Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Kuwa Gaarka U Tababaran Ee Dawlada Federaalka Somaliya Oo Loo Daad-Gureeyay Magaalada Jowhar + Sabab.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*