DEG-DEG: Liverpool Oo Xaqiijisay In Uu Van Dijk Maray Qaliin Lagu Guulaystay

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu daafaca dhexe ee Virgil van Dijk uu maanta maray qaliin lagu guulaystay oo looga sameeyay jilibka kadib markii uu dhaawacmay bilowgiibishan.

Daafaca Liverpool ayaa qaliinka ku maray magaalada London waana lagu guulaystay qaliinka lagu sameeyay.

Kooxda Liverpool ayaa haatan sheegtay in uu Virgil van Dijk bilaabi doono soo kabsashada dhaawaca isaga oo taageere ka helaya kooxda caafimaadka ee Liverpool.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaan wali xaqiijin ama aan wakhti u qaban marka uu xiddigu garoomada ku soo laabanayo.

Van Dijk ayaa dhaawac jilibka ah soo gaadhay bilowgii bishan gaar ahaan kulankii Everton waxana si weyn loo filayaa in uuna mar kale u ciyaarin kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*