DEG-DEG: Liverpool Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Kostas Tsimikas

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee Kostas Tsimikas kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Olympiacos.

Kostas Tsimikas ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo lagu qiyaasay 5 sano isaga oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Liverpool ee xagaagan.

Kostas Tsimikas oo 24 jir ah ayaa maanta ku baasay tijaabada caafimaadka waxana uu si Rasmi ah qalinka ugu duugay heshiiska uu ugu biiray Reds.

Xiddiga Kostas Tsimikas ayaa Liverpool u xidhan doona Lambarka No.21 oo uu horay u xidhanayay xiddiga Alex Oxlade Chamberlain.

Sii Akhriso: XASAASI: Maxaabiis Al-Shabaab Ah Oo La Wareegay Maamulka Cabsiga Dhexe Ee Muqdisho & Wararkii Ugu Dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*