DEG-DEG: Liverpool Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawaca Thiago Alcantara, Maxaa Cusub?

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in uu xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara ka badbaaday dhaawac halis ah kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Everton.

Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa seegi doona kulanka ay Liverpool al ciyaari doonto kooxda Ajax tartanka champions League.

Liverpool ayaa U safri doonta Amsterdam Iyaga oo ka hor tagi doona kooxda Ajax Arbacada laakiin waxa ka maqnaan doona xiddiga khadka dhexe.

Xiddiga reer Spain ayuu dhaawac jilibka ah ka soo gaadhay kulankii Everton laakiin nasiib wanaag dhaawaca ayaan ahayn mid halis ah kadib markii baadhitaan lagu sameeyay.

Thiago ayaa la filayaa in uu taam u noqdo wixii ka dambeeya kulanka Champions League iyada oo laga yaabo in uu ciyaaro kulanka sabtida dambe.

Sii Akhriso: Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Kuwa Gaarka U Tababaran Ee Dawlada Federaalka Somaliya Oo Loo Daad-Gureeyay Magaalada Jowhar + Sabab.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*