DEG-DEG: Liverpool Oo Qarka U Saaran In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Ibrahima Konaté

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ibrahima Konaté.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Liverpool aad ugu dhawdahay in ay heshiis cusub ka saxiixato daafaceeda Ibrahima Konaté.

Liverpool ayaa muddo bilo ah isku dayaysay in ay heshiis cusub ka saxiixato daafaca reer France si ay ugu sii hayso kooxda.

Romano ayaa haatan xaqiijiyay in wadahadaladu marayaan meel horumar leh si uu mustaqbalkiisa ugu hibeeyo kooxda.

Ibrahima Konaté Ayaa ogolaaday in uu sii joogo Liverpool kadib markii Real Madrid isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixiisa.

Kooxda.com ayaa xusaysa in heshiiska Ibrahima Konaté dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uuna haatan heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga