DEG-DEG: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Ben Davies, Lambarkee Ayuu U Xidhanayaa Kooxda?

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday una soo bandhigtay saxiixa daafaca cusub ee ay la soo saxiixatay ee Ben Davies.

Ben Davies Ayaa Kooxda Liverpool kaga soo biiray Preston isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku sii joogi doono kooxda.

Kooxda Liverpool ayaa dhaawac dhanka daafaca ah ku dhibaatoonaysay xilli ciyaareedkan waxana ay daafaca Preston oo 25 jir ah u keentay in ay ku xaliso dhibaatadaas.

Liverpool ayaa xaqiijsay in uu daafaca Ben Davies kooxda u xidhan doono Lambarka No.28 oo noqon doona lambarkiisa kooxda 1-aad.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*