DEG-DEG: Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Newcastle ee Anthony Gordon sida ay sheegayaan wararku.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Liverpool ayaa jecel in ay la saxiixato xiddiga Newcastle ee Anthony Gordon.

Romano ayaa sheegay in ay Liverpool wadahadalo la yeelatay Newcastle 48 saac ee ugu dambeeyay si ay uga heshiiyaan saxiixa xiddiga Anthony Gordon.

Xiddiga Anthony Gordon Ayaa haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool laakiin ilaa haatan labada kooxood ayaan wax heshiis ah ka gaadhin qiimaha.

Si kasta ha ahaatee Wadahadalada ayaa dib u bilaaban kara maalmaha soo socda si ay labada kooxood uga heshiiyaan qiimaha xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga