Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 56 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee daafaca sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Argentina.
Saxafiga reer Argentine ee Luis Fregossi ayaa sheegay in Liverpool ay la xiriirtay kooxda FC Porto si ay u hesho saxiixa Alan Varela.
Reds ayaa muddo dheer lala xiriirinayay xiddiga khadka dhexe ka dib qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii uu yimid Portugal xagaagii hore.
Fregossi ayaa aaminsan in ay Liverpool isku dayayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga iyada oo ah kooxda kaliya ee ilaa haatan dalab ka gudbisay.
Xiddiga Varela ayaa lagu bur-burin karaa heshiiskiisa Fc Porto lacag dhan 56 milyan oo euro waana lacagta ay Liverpool ka gudbisay saxiixiisa.
Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo durba bilaabay qorshaha ay xagaaga ku xoojinayaan kooxda ka hor xilli ciyaareedka dambe.
Be the first to comment