DEG-DEG: Liverpool Oo Dhamaystirtay Saxiixa Daafacii Labaad Ee Suuqa January.

Kooxda iverpool ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ozan Kabak kaas oo noqday xiddig Liverpool ah.

Liverpool ayaa kooxda Schalke kala heshiisay saxiixa daafaca dhexe ee Ozan Kabak kaas oo ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda sidoo kale heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Reds.

Xiddiga Ozan Kabak ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kooxda Liverpool kula joogi doono ilaa xagaaga 2026.

Laakiin Heshiiska ayaa marka hore ah qaab amaah ah oo ilaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyada oo Reds dookh u haysata in ay 30 milyan kula wareegto xagaaga.

Daafaca Ozan Kabak ayaa noqday saxiixii 2-aad ee daafaca dhexe ee ay dhamaystay Liverpool wax ka yar muddo 24 saac ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*