DEG-DEG: Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Xiddiga Renato Sanches.

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata in ay ku sii dhawaanayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Renato Sanches sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Portugal.

Shabakada ELEVEN Portugal ayaa sheegaysa in ay kooxda Liverpool dalab Rasmi ah oo dhan 35 milyan miiska u saartay kooxda Lille si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhanka kale heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Liverpool waxana la filayaa in saacadaha soo socda si Rasmi ah looga heshiiyo saxiixa xiddiga.

Xiddiga Sanches ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Lille xilli ciyaareedkii hore sidoo kale waxa uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulka Portugal tartanka Euro 2020.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in la filayo in ay kooxda Lille aqbasho dalabka Liverpool labada kooxoodna saacadaha soo socda si Rasmi ah uga heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*