DEG-DEG: Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Badalka Virgil Van Dijk.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool wadahadalo horumar leh kula jirto kooxda Ajax oo ay ka doonayso daafac cusub marka la gaadho suuqa January.

Liverpool ayaa wajahaysa wakhti adag kadib markii ay dhaawacyo kaga habsadeen dhanka daafaca kuwaas oo waayay xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool qarka u saarantahay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Ajax ee Perr Schuurs.

Wargaska teamtalk ayaa sheegaya in ay Liverpool horumar ka samaysay wadahalada ay kula jirtay kooxda Ajax iyaga oo dalab Rasmi ah miiska u saaray koxoda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool miiska saartay lacag dhan 26 milyan oo euro oo ay ku doonayso saxiixa daafaca dhexe ee Perr Schuurs.

Lacagta ay Liverpool ka gudbisay saxiixa xiddiga Perr Schuurs ayaa ah lacag ay Ajax doonaysay in ay ku iibiso xiddigooda daafaca uga ciyaara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*