DEG-DEG: Liverpol Oo Xaqiijisay In Qaliin Lagu Sameeyay Joe Gomez.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in uu daafaca Joe Gomez maanta maray qaliin lagu guulaystay oo looga sameeyay jilibka Lugta Bidix.

Daafaca dhexe ayaa ku dhaawacmay tababarka xulka qarankiisa England ka hor intii aan laga saarin kulamada xulkiisa.

Dhaawaca ayaan ayaan ahayn mid halis ah sidii laga cabsi qabay sidoo kale aan ahayn dhaawaca soo gaadhay xiddiga Van Dijk.

Qaliinka ayaa dhacay maanta oo Khamiis ah iyada oo uu ka dhacay caasimada London iyada oo 23 jirku haatan bilaabayo soo kabasashadiisa.

Kooxda Liverpool ayaan si Rasmi ah u shaacin mudada uu soo laaban doono laakiin waxa ay sheegtay in uu seegi doono inta badan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*