DEG-DEG: Lionel Messi Oo Ugu Dambayn Mustaqbalkiisa U Hibeeyay Kooxda Barcelona, Heshiis Cusub Ayuu Saxiixay

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gabagabeeyay wadahadaladii heshiis kordhinta ee Barcelona waliba uu sii joogi doono kooxda isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2026 ah taas oo la macno ah in uu sii joogi doono Camp Nou ilaa 40 jirkiisa.

34 jirkaan, oo heshiiskiisu dhacay dhammaadkii June, ayaa ugu dambayn ogolaaday shuruudo cusub iyadoo SPORT ay sheegtay in wada xaajoodka hadda la soo gabagabeeyay.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa wali u baahan in ay hoos u dhigto mushaharkooda si ay U diwaan galiso La Liga horyaalka La Liga.

Waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda ka dib markii horumar laga gaaray wadahadaladii Isniintii lala yeeshay Messi aabihiis Jorge.

Messi ayaa wadahadalo kula jiray kooxda Barcelona muddo bilo ah waxana haatan la gaadhay heshiis Rasmi ah taas oo war fiican u ah kooxda Barcelona iyo taageerayaashooda.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*