DEG-DEG: Lionel Messi Oo Heshiis La Gaadhay Kooxda PSG Si Uu Ugu Biiro Kooxda Reer France.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis Rasmi ah la gaadhay Lionel Messi iyo wakiiladiisa iyada oo uu xiddiga 34 jirka ah maanta u duuli doono caasimada France.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Kooxda PSG iyo wakiilada Lionel Messi ka wadahadlayeen heshiiska tan ilaa Axadii la soo dhaafay laakiin uu Lionel Messi heshiiska Rasmiga ah ogolaaday maanta iyada oo uu xiddigu u duuli doon Paris.

Kooxda PSG ayaa maalinta Arbacada qaban doonta shir Jaraa’id oo ay ku qaban doonto garoonka Parc des Princes isla markaasna halkaas lagu soo bandhigi doono saxiixa Lionel Messi.

Xiddiga reer Argentine ayaa noqon doona saxiixii ugu dambeeyay ee kooxda PSG isaga oo la midoobi doona xiddiga Neymar oo ay horay isaga soo garab ciyaareen kooxda PSG.

Messi ayaa la sheegayaa in uu qalinka ku duugi doono heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ka dhisan caasimada France ilaa xilli ciyaareedka 2023 iyo hal sano oo walib dookh ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*