DEG-DEG: Lionel Messi Oo Heshiis La Gaadhay Kooxda Barcelona

La Liga ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday codsigii Barcelona ee ahaa in Lionel Messi uu qalinka ugu duugo Heshiis cusub Camp Nou.

In kasta oo halyeeyga kooxda heshiiskiisii ​​hore uu dhacay dhammaadkii bishii hore, haddana Barcelona mar walba waxay ku adkeysaneysaa in uu xiddigu kooxda heshiis cusub u saxiixi doono kooxda.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayuu cadaadis ku saarnaa in ay buuxiso xeerka dhaqaale ee La Liga taas keenaysa in ay kooxdu iib ku riixdo xiddigo kooxda ah si ay u dhinto mushaharkooda.

Inkasta oo ay wali shaqo dhimantahay hadana wargayska AS ayaa sheegaya in gudida fulita ee La Liga ay Barcelona u ogolaadeen in ay diwaan galiso Lionel Messi ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay balan qaaday in ay iyagu iska xil saari doonaan in ay todobaadyada soo socda buuxiyaan shuruudaha looa baahanyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*