DEG-DEG: Leicester City Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Ay Arsenal Ka Gudbisay James Maddison

Kooxda Leicester City ayaa la sheegayaa in ay ugu dambayn ka jawaabtay dalabkii lacagta iyo xiddiga ahaa ee ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Maddison.

Kooxda Leicester City ayaa diiday dalabkii ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga James Maddison oo ahaa lacag iyo waliba midkood xiddigaha Reiss Nelson iyo Ainsley Maitland-Niles sida laga soo xigtay Football Insider.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Maddison todobaadyadii uu dambeeyay iyada oo uu Mikel Arteta si aad ah u doonayo saxiixa xiddiga khadka dhexe ah.

Si kasta ha ahaatee Leicester City ayaa Gunners u sheegtay in ayna wax xiiso ah u hayn xiddigaha ay Arsenal ka qayb dhigtay heshiiska James Maddisn.

Diidista Leicester City ayaa imanaysa kadib markii uu tababaraha kooxda Leicester City ee Brendan Rodgers si cad u sheegay in uu Maddison ka qayb yahay qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*