DEG-DEG: Kulanka Liverpool Ee Jimcaha Ay La Ciyaari Doonto Aston Villa Oo Khatar Ugu jira In La Kansalo, Sabab.

Kulanka FA Cup-ka ah ee la filayay in uu kooxaha Aston Villa iyo Liverpool dhexmaro Habeen dambe oo jimce ah ayaa laga cabsi qabaa in la kasano gabi ahaan.

Kooxda Aston Villa ayaa haatan xaqiijisay in ay gabi ahaan Albaabada u xidhay garoonka tababarka iyo waliba garoonkeeda caadiga ah kadib markii uu xanuunka Korona ka dilaacay kooxda.

Aston Villa ayaa xaqiijisay in xanuunka Korona laga helay inta badan xiddigaha kooxda 1-aad kadib baadhitaankii lagu sameeyay xiddigaha.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in ay baadhitaan kale u dirtay kooxda intooda kale taas oo muujisay in xiddigo kale qabaan xanuunka.

Sidaas darteed kooxda ayaa kansashay tababarkii ay isugu diyaarinaysay kulanka Liverpool waxana ay haatan wadahadalo kula jirtaa FA-ga iyo waliba xidhiidhka kubada cagta.

Waxa si weyn loo filayaa in gabi ahaan la kansalo kulanka oo aan la ciyaarin marka loo eego in kala badh kooxda laga helay xanuunka Korona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*