DEG-DEG: Kulanka Everton & Man City Oo La Kansalay, Sabab

Kulanka la filayo in uu caawa dhex maro kooxaha Everton iyo Man City ayaa la xaqiijiyay in la kansalay kadib markii uu xanuunka Korona ka dilaacay kooxda Man City.

Labada kooxood ayaa ku balansan in ay ku ciyaaran garoonka Goodison Park kulan ka tirsan todobaadkii 16-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa xanuunka Korona u wayday xiddigaha Kyle Walker iyo Gabriel Jesu ka hor kulankii Newcastle ee horyaalka premier league.

Laakiin haatan kooxda Man City ayaa la xaqiijiyay in xanuunka Korona laga helay laba xiddig iyo laba ka mid ah shaqaalaha tababarka kooxda.

Sidaas darteed kulanka ayaa haatan la xaqiijiyay in uuna dhici doonin sabab la xidhiidha xanuunka Korona oo laga helay kooxda Man City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*