DEG-DEG: Kulan Champions League Ah Oo La Kansalay & Xanuunka Korona Oo Sabab U Ah.

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa xaqiijiyay in la joojiyay kulankii Champions League ee u dhexeeya kooxaha Linfield iyo KF Drita sabab la xidhiidha in xanuunka laga helay xiddigaha koox ka mid ah.

Kulankan oo ah kulamada 1-aad ee is reeb-reebka wareega Group-yada champions League ayaa u dhexeeyay laba kooxood oo ka dhisan Northen Ireland iyo Kosovo waxana la filayay in ay maanta oo 11 bisha August ah ka dhacdo Switzerland.

Go’aanka ayaa yimid kadb markii xiddig kooxda KF Drita ah laga helay xanuunka Maanta oo Korona ah baadhitaankii ka horeeyay kulanka.

Xidhiidhka UEFA ayaa xaqiijisay in karantiil la galiyay xiddiga laga helay xanuunka iyo waliba xiddig ay wada socdeen sidaas darteed la kansalay kulanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*