DEG-DEG: Kooxihii 12-ka Ahaa Ee Ku Midoobay Tartanka European Super League Oo Kulan Deg-Deg Ah Ku Jira & Xaalka Oo Ku Xun.

Tartanka European Super League ayaa u muuqda mid bur-buraya isaga oo aan wali bilaaban iyada oo ay kooxuhu mid mid uga baxayaan tartanka inkasta oo uuna wali bilaaban.

Kooxaha Real Madrid,Liverpool, Atletico Madrid, Barcelona, Juventus, Chelsea, Man United, Man City, Ac Milan, Inter Milan, Tottenham iyo Arsenal ayaa ku heshiiyay in ay bilaabaan tartanka lagu magacaabo European Super League.

Laakiin kooxaha qaar ayaa haatanba ka baxaya tartanka iyada oo kooxaha Chelsea, Man City, Atletico Madrid iyo Barcelona doonayaan in ay isaga baxaan tartanka European Super League.

Kadib go’aanadaas soo baxay kooxaha ku midoobay tartanka European Super League ayaa isugu yeedhay shir deg-deg si xal looga gaadho iayda oo ay raadinayaan wado ay uga bixi lahaayeen tartanka iyaga oo wada jir ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*