DEG-DEG: Kooxda PSG Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Gianluigi Donnarumma

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Goolhaye Gianluigi Donnarumma kaas oo kooxda kaga soo biiray Ac Milan kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdu.

Goolhayaha 22 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kooxda reer France ku joogi doono ilaa xagaaga 2026 isaga oo noqday saxiixii ugu dambeeyay ee kooxda PSG.

Goolhaye Gianluigi Donnarumma Ayaa ugu biiray kooxda PSG Qaab xor ah kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda reer Italy ee Ac Milan oo uu ku qaatay muddo ku dhaw 8 sano.

Gianluigi Donnarumma ayaa imanaya PSG kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay tartanka Euro 2020 oo uu kula guulaystay xulka qarankiisa Italy.

Gianluigi Donnarumma ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay ka mid noqoshada kooxdan weyn, waxa aan dareemayaa in aan diyaar u ahay in aan ciyaaro tartan cusub waxana aan doonayaa in aan PSG kula guulaysto wax walba oo suurtagal ah”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*