DEG-DEG: Kooxaha Premier League Oo Go’aan Ka Soo Saaray Tartanka Ay Ku Midoobeen Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub Ee European Super League

Maamulka Premier League oo uu wehelinayo xidhiidhka FA-ga ayaa maanta la kulmay 14-ka kooxood ee premier League iyaga oo ka wadahadlay soo bixista tartanka European Super League oo ay ku midoobeen kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.

Premier League ayaa sheegay in ay tixgalinayaan dhamaan ficilada ay ku joojin karaan ugana hor tagi karaan in ay kooxaha premeir League ka qayb qaataan tartanka European Super League.

Maamulka Premier League ayaa sheegay in ay la sii wadi doonaan shaqaynta 6-da kooxood ee ugu waaweyn, taageerayaasha kooxaha kala duwan iyo xidhiidhada kala duwan ee UEFA, The FA, EFL, PFA & LMA si loo joojiyo tartanka cusub ee la abuuray.

Sidoo kale Premier League ayaa u mahad celiyay taageerayaasha Kooxaha waaweyn ee sida weyn uga soo hor jeestay tartanka cusub ee ay kooxaha waaweyn ku midoobeen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*