DEG-DEG: Kooxaha Premier League Oo Go’aan Ka Gaadhay Xeerka 5-ta Badal Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxaha Premier League ayaa go’aan ka gaadhay Xeerka 5-ta Badal ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee 2020/201.

20-ka kooxood ee premier League ayaa maanta shir la qaatay maamulka tartanka horyaalka premier League iyada oo shirkaas loogu gogol xaadhayo bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee premier League.

Kooxaha premeir League ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka ku dhamaystay isticmaal-ka 5 is badal maadama la doonayay in si deg-deg ah loo dhamaystiro xilli ciyaareedka.

Laakiin kooxaha ayaa u codeeyay in aan xilli ciyaareedka dambe premier League la adeegsan xeerka 5 badal ah laguna soo laabto xeerkii hore ee 3 badal.

11 Koox oo ka mid ah 20-ka kooxood ee premier League ayaa ka soo hor jeestay in la sii wado xeerka 5 badal xilli ciyaareedka dambe.

Sidaas darteed haatan waxa xilli ciyaareedka dambe premier League la adeegsan doonaa 3-dii badal ee caadiga ahayd kulan walba.

Laacib.net

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*