DEG-DEG: Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Sergio Ramos.

Sida laga soo xigtay Sportmediaset, Roma ayaa u soo bandhigtay Sergio Ramos heshiis uu sanadkii ku qaadanayo 7.5 milyan euro laakiin xiddigii hore ee Real Madrid ayaa waydiistay wakhti si uu uga fiirsado dalabkooda.

Xiddiga 35 jirka ah ee Sergio Ramos ayaa isaga tagay Real Madrid kadib markii uu heshiis cusub la gaadhi waaay kooxda iyada oo uu heshiiskiisu dhici doono todobaadka dambe.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo waaweyn ee reer yurub ah laakiin Roma ayaa ah kooxda kaliya ee haatan dalab Rasmi ah u soo bandhigtay xiddiga reer Spain.

Roma ayaa xiddiga miiska u saartay mushahar sanadkii dhan 7.5 milyan euro waana in ka yar intii uu ka qaadan jiray Real Madrid oo ahayd 12 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa kooxda ka dalbaday in ay siiyaan wakhti si uu uga fikiro in uu aqbalo dalabka iyo in kale xilli uu xiiso ka helayo kooxo badan oo waaweyn.

Tababarhaa Roma ee Jose Mourinho ayaa xiddiga si joogto ah ula hadla si uu ugu qanciyo in uu kula midoobo kooxda Roma xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*