DEG-DEG: Klopp Oo Ka Jawaabay Dalabkii USA Si Uu U Noqdo Tababaraha Xulka Qaranka.

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka jawaabay dalabkii dalka USA ka gudbiyay si uu u noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka.

Xulka USA ayaa shaqada ka caydhiyay Tababarohoodii hore kadib markii xulku ku fashilmay tartankii Copa America.

Xidhiidhka Kubada cagta USA ayaa la xidhiidhay Klopp si ay ugu soo bandhigaan in uu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka.

Sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Tababare Klopp ayaa iska diiday in uu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka USA.

Klopp ayaa ku adkaystay in uu qaato wakhti nasasho ah si uu uga soo kabsado 9-kii sano ee uu joogay Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga