DEG DEG KHALAAS Qiyaanadii Real, Mbappe oo Ceyriyey Macalinkii PSG & Leo, Salah waa Badalka Mbappe ee Real

DEG DEG KHALAAS Qiyaanadii Real, Mbappe oo Ceyriyey Macalinkii PSG & Leo, Salah waa Badalka Mbappe ee Real.

Taageerayaasha Paris Saint-Germain ayaa ku bahdilay kooxda Real Madrid garoonka Parc des Princes intii ay socotay kulankii ay la ciyaareen kooxda Metz ee ka tirsan horyaalka France,ka dib markii ay ku dhawaaqeen in ay dib u cusbooneysiiyeen qandaraaska Kylian Mbappe.

Markii ay wax walba u muuqdeen inay lumiyeen taageerayaasha Paris Saint-Germain maalmihii ugu dambeeyay, waxay bilaabeen inay rajo ka qabaan inay dib u cusbooneysiiyaan Mbappe, isla markiiba ka hor kulanka Metz, kooxda Faransiiska ayaa si rasmi ah u cusbooneysiisay qandaraaska weeraryahanka ilaa xagaaga 2025.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee AS, wax yar ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta, taageerayaasha Paris Saint-Germain ayaa ku celceliyay heeso foolxun oo ay ugu yeereen dhillooyin Real Madrid ah.

Real Madrid ayaa ku dhawaatay in ay Mbappe ku darto heshiiska xorta ah iyada oo uu xiddiga reer France heshiiskiisu dhacayo 30-ka June, laakiin Paris Saint-Germain ayaa ugu dambayn ku guulaysatay in ay Kilian ku qanciso in uu heshiis cusub u saxiixo ilaa June 2025.