DEG-DEG: Kadib Salah Liverpool Oo Xaqiijisay Bixitaanka Xiddig Kale Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in Andy Robertson uu soo afjari doono safarkiisa kooxda Reds dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kadib sagaal xilli ciyaareed oo aad u guul badan oo uu ku qaatay garoonka Anfield, kabtanka xulka Scotland national team ayaa ka tagi doona kooxda marka uu dhammaado qandaraaskiisa xagaagan.

Wuxuu sidaas ku tagi doonaa isagoo ah halyeey dhab ah oo Liverpool ah, maadaama uu door weyn ka qaatay guulihii waaweynaa ee kooxda sanadihii u dambeeyay, isagoo ciyaaray 373 kulan ilaa hadda.

Waxaa laga soo iibsaday Hull City sanadkii 2017, Andy Robertson wuxuu ku guuleystay labo horyaal oo Premier League ah, hal UEFA Champions League, FA Cup iyo labo EFL Cup, sidoo kale FIFA Club World Cup, UEFA Super Cup iyo FA Community Shield.

Robertson ayaa noqday xiddigii 2-aad ee la xaqiijiyay in uu ka huleeli doono Anfield dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib Mohamed Salah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga