DEG-DEG: Andrea Pirlo Oo Noqday Tababaraha Cusub Ee Juventus

Kooxda Juventus ayaa tababare cusub u magacawday Halyeeyga Kooxda ee Adrea Pirlo kaas oo shaqada ka badalay Maurizio Sarri.

Warkan ayaa imanaya saacado kadib markii ay kooxdu shaqada ka caydhisay tababare Maurizio Sarri kadib markii kooxda laga reebay tartanka champions League.

Kooxda Juventus ayaa lala xidhiidhinayay tababarayaasha Zinedine Zidane & Mauricio Pochettino laakiin waxa ay haatan magacaabaysaa Pirlo 9 maalin kadib markii ay u magacawday tababarka 23 jirada ee kooxda.

Kooxda Juventus iyo 41 jirka ayaa si Rasmi ah uga heshiiyay waxana uu noqday tababaraha cusub ee kooxda isaga oo hogaamin doona kooxda 1-aad.

Milkiilaha kooxda Juventus ee Andrea Agnelli ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay qofka doortay in uu Pirlo tababare u noqdo kooxda.

Andrea Agnelli ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu Pirlo maro wadada Zidane ee uu Real Madrid ugu hogaamiyay koobabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*