DEG-DEG: Jack Grealish Oo Soo Gaadhay Garoonka Tababarka Man City Si Uu U Dhamaystiro Heshiiska Uu Ugu Biirayo Kooxda Ku Ciyaarta Etihad.

Xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish ayaa soo gaadhay magaalada Manchester iyo garoonka tababarka Man City si uu u dhamaystiro heshiiska 100-ka milyan ah ee uu ugu biirayo Kooxda difaacanaysa premier League ee Man City sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Pep Guardiola ayaa dalab waali ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Aston Villa waxana uu haatan xiddigu qarka u saaranyahay in uu ku biiro kooxda Man City.

Xiddiga Jack Grealish ayaa todobaadkan ku soo laabtay tababarka kooxda Aston Villa waxana uu xiddigu maanta u duulay magaalada Manchester isaga oo haatan gaadhay garoonka tababarka kooxda Man City.

Xiddiga reer England ayaa saacadaha soo socda tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Man City ka hor inta uuna dhamaystirin ku biiristiisa Kooxda Man City sida laga soo xigtay talkSPORT.

Grealish ayaa noqon doona saxiixa ugu qaalisan ee u dhashay dalka England marka loo eego in ay kooxda Man City kula wareegayso lacag dhan 100 milyan oo euro.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*