RASMI: Isku Aadka Qaurter Final-ka & Semi-Final Champions League Oo La Soo Saaray

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka Qaurter Final-ka & Semi-Final Champions League xilli ciyaareedkan kaas oo dib loo ciyaaro doono kadib 4 bilood oo aan la ciyaarin.

Isku aadka wareegyada Qaurter Final-ka & Semi-Final Champions League ayay ka soo bexeen kulamo adag oo xiiso leh oo si gaar ah isha loogu hayn doono marka la ciyaari doono.

Kulamada Quarter-final-ka tartanka champions League ayaa la ciyaari doonaa 12 ilaa 15 bisha August Halka kulamada Semi-finalka tartanka la ciyaari doono 18 ilaa 19 Bisha August.

kulamada ka hadhay wareega 16-ka gaar ahaan kulamada lugta 2-aad ayaa la ciyaari doonaa todobaadka ugu horeeya ee bisha August si loo dhamaystiro wareega hore.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka Qaurter Final-ka

Real Madrid/Man City Vs Juventus/Lyon

RB Leipzig Vs Atletico Madrid

Napoli/Barcelona Vs Chelsea/Bayern Munich

Atalanta Vs PSG

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka Semi-Final:

Kooxda guulaysata Quarter Final 1 Vs Kooxda Guulaysata Quarter Fianl 3

Koooxda Guulaysata Quarter Final 2 Vs Kooxda Guulaysata Quarter Fianl 4.

Tusaale ahaan kooxda soo badisa kulanka Real Madrid/ Vs Juventus Vs Lyon waxa ay la ciyaari doonaan kooxda ka soo baxda kulanka Napoli/Barcelona Vs Chelsea/Bayern Munich.

Sii Akhriso: Dowlada Federaalka Somalia Oo Xil Muhiim Ah Ka Qabatay Xidhiidhka Jaamacada Carabta Markii Ugu Horaysay 37 Sano Kadib

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*