DEG-DEG: Inter Milan oo Dhamaystirtay Saxiixa Hakan Calhanoglu

Xiddiga Hakan Calhanoglu ayaa Si Rasmi ah ugu biiray kooxda Inter Milan kadib markii uu qaab xor ah uga tagay kooxda Ac Milan isaga oo ogolaaday heshiis uu sanadkii ku qaadan doono 1 milyan oo euro.

Xiddiga reer Turkey ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku qaadan doono 5 milyan marka lagu daro lacagaha gunada ah inta uu joogo kooxda.

Xiddiga ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Ac Milan isaga oo ka doortay in uu ku biiro kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada ee Inter.

Inter Milan ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga kadib markii uu xiddigu ku baasay tijaabada caafimaadka sidoo kale soo dhamaystay tartanka Euro 2020 oo uu xulka qarankiisa kala qayb galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*