DEG-DEG: Harry Kane Oo Maalintii 2-aad Diiday In Uu Yimaado Tababarka Kooxdiisa Tottenham

Xiddiga Harry Kane ayaa mar kale diiday in uu soo xaadiro tababarka kooxda Tottenham xilli uu xiddiga reer England ku riixayo Koxdiisa in laga iibiyo kooxda Man City.

Kane ayaa maalintii 2-aad oo xidhiidh ah u jaray tababarka Tottenham kadib markii uu ka soo laabtay fasaxii uu ku jiray isaga oo shalay jaray tababarka.

Kabtanka reer England ayaa maanta oo salaasa ah diiday in uu soo xaadiro tababarka kooxdiisa iyada oo uu xiddigu ku riixayo kooxdiisa in ay u ogolaadaan in uu ka tago kooxda suuqa xagaagan.

Xiddiga ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man City xilli ay Kooxda difaacanaysa horyaalka premier League diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa maamulka kooxdiisa Tottenham u sheegay in uu kaliya ku soo laaban doono tababarka marka loo ogolaado in uu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan kuna biiro kooxda Man City.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*