DEG-DEG: Gareth Southgate Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa England Kadib Markii Laga Qaaday Euro 2020.

Tababare Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu England ku hogaamiyo Koobka Aduunka ee 2022 ee Qatar inkasta oo xulka qarankiisa laga qaaday tartanka Euro 2020.

Tababaraha xulka saddexda Libaax ayaa xulkiisa ku hogaamiyay Final-ka koob weyn markii ugu horaysay tan ilaa 1966 kadib markii uu xulkiisa geeyay final-ka euro 2020.

Haatan Southgate ayaa xaqiijiyay in uu doonayo waliba hogaamin doono xulka Qaranka England tartanka koobka adduunka ee lagu qaban doono dalka Qatar.

Isaga oo diiday in uu sii joogi doono wixii ka dambeeya koobka adduunka ayuu Southgate yidhi”ma doonayo in aan sii joogo wax ka badan intii ay ahayd in aan joogo”.

Tababaraha ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee muddo dheer xulka England ku hogaamiya Semi-final-ka iyo Final-ka koobabka Euro-da iyo Koobka adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*