
Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka wareega Quarter-Final-ka tartanka FA Cup-ka kaas oo ay isugu soo hadheen 8 kooxood kuwaas oo ku tartami doona koobka.
Kooxaa Isugu soo hadhay tartanka aya ogaaday kooxaha ay la ciyaari doonaan kulamada Quarter-Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.
Kooxaha Everton, Manchester City, Manchester United, Leicester City, Sheffield, Souhamton, Bournemouth & Chelsea/Barsley ayaa ogaan doona kooxaha ay la ciyaari doonaan.
Kulamada Quarter-Final-ka FA Cup-ka ayaa la ciyaari doonaa 20 bisha March kuna beegan maalin Sabti ah iyada oo la ogaan doono maalintaas kooxaha iska xaadiriya Semi-final-ka tartanka.
Hadaba Halkan Kaga Bogo Isku Aadka Oo Dhamaystiran:
Bournemouth vs Southampton
Leicester vs Man Utd
Chelsea vs Sheffield United
Everton vs Man City
Be the first to comment