DEG-DEG: Cristiano Ronaldo Oo Qarka U Saaran In Uu Ku Biiro Koox Cusub.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu qarka u saaranyahay in uu ku biiro koox cusub kadib markii uu ka tagay Man United.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta Suadi Arabia ee Al Nassr sida ay sheegayaan wararku.

Cristiano Ronaldo ayaa isaga tagay Man United kadib markii ay kooxdu Kansashay heshiiska xiddiga kadib waraysigii muranka badan dhaliyay ee uu bixiyay todobaadkii hore.

Ronaldo ayaa suuqa January ku biiri doona koox cusub maadama uu haatan raadinayo ku biirista koox cusub qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in wakiilada xiddigu wadahadalo horumar leh kula jiraan kooxda reer Suadi Arabia ee Al-Nassr si uu xiddigu ugu biiro suuqa January.

Ronaldo ayaa doonaya in uu sii joogo yurub laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu helo koox ka ciyaarta yurub oo diyaar u ah in ay dalab ka gudbiso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*