DEG-DEG: Cristiano Ronaldo Oo Laga Helay Xanuunka Korona.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa la xaqiijiyay in laga helay xanuunka Korona xilli uu ku suganyahay waajibaadka xulka qarankiia Portugal.

Xiddiga 35 jirka ah ee weerarka uga ciyaara Juventus ayaa isku diyaarinayay in uu xulka qarankiisa ku wajaho Sweden kulan ka tirsan UEFA Nations League.

Cristinao Ronaldo ayaa la sheegayaa in uuna lahayn wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka

Xidhiidhka xulka qaranka Portugal ayaa warbixin ku yiri”Cristiano Ronaldo waxa laga saaray xulka qaranka kadib markii laga helay xanuunka sidaas darteed ma wajihi doono Sweden”.

“Cristiano wuu fiicanyahay waxana uu ku jiraa karantiil inkasta oo ayna ka muuqan calaamadaha xanuunku”

Sii Akhriso: Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Milatariga Somaliland oo Lagu Dilay Magaalada Hargeisa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*