DEG-DEG: Chelsea Vs Man City & Isku Aadka Semi-final-ka FA Cup-ka Oo La Soo Saaray.

Waxa si Rasmi ah loo sameeyay isku aadka wareega Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka kaas oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso leh wareegaas.

Kooxahaa Manchester City, Chelsea & Southampton ayaa haatanba la xaqiijiyay in ay iska xaadiriyeen wareega Semi-final tartanka FA Cup-ka.

Man United ayaa haatan la ciyaaraysa Kooxda Leicester City waxana lagu jiraa qaybta nashada waxana la sugayaa in uu midkood iska xaadiriyo wareega xiga.

Isku aadka Semi-final-ka ayay ka soo bexeen kulamo xiiso leh oo la wada sugi doono marka ay kulmi doonaan isagana hor iman doonaan Semi-final-ka.

Kulamada Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka ayaa la ciyaari doonaa 17 iyo 18 bisha April ee soo socota iyada oo lagu ciyaari doono garoonka Wembely ee xulka qaranka England.

Halkan Kaga Bogo Isku Aadka Rasmiga Ah:

Leicester/ Man United Vs Southampton
Chelsea Vs Man City

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*