DEG-DEG: Chelsea Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Marc Cucurella

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Marc Cucurella kaas oo ay kala soo wareegtay Brighton.

Blues ayaa xiddiga Marc Cucurella ka dhigtay saxiixieedii 5-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay saxiixiisa ku garaacday kooxda Man City.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridige.

Chelsea ayaa xiddiga Marc Cucurella ka soo bixisay lacag rikoodh ah taas oo ku kacaysa 63 milyan oo euro kana mid dhigtay daafacyada ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa noqday saxiixii 5-aad ee kooxda chelsea kadib Carney Chukwuemeka, Raheem Sterling, Kalidou Koulibaly iyo Gabriel Slonina

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*