DEG-DEG: Chelsea Oo Shaqada Ka Caydhisay Thomas Tuchel

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay shaqada ka caydhisay tababare Thomas Tuchel Kadi markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Dinamo Zagreb kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka champions League xilli ciyaareedka.

Sidoo kale chelsea ayaa guud ahaan si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub sida ay xaqiijisay kooxdu.

Chelsea ayaa ahayd kooxda lacagta ugu badan suuqa galisay xagaagii iyada oo milkiilaha cusub si weyn u taageeraya kooxda.

Laakiin Tuchel ayaa matiijooyin xun ku hogaamiyay kooxda chelsea xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa haatan soo saarta warbixin ay ku xaqiijisay in ay shaqada ka caydhisay tababaraha reer Germany kadib sida xun ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka.