DEG-DEG: Chelsea Oo Laga Diiday Dalab Waali Ah Oo Ay Ku Doonaysay Saxiixa Romelu Lukaku.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay dalab Rasmi ah oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxana lala xidhiidhinayay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Ering Haaland laakiin kooxda reer Germany ayaa si cad u diiday in uuna xiddigu iib ahayn xagaagan.

Arintaas ayaa keentay in ay Blues u jeediso dareenkeeda Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku oo ah xiddig horay ugu soo ciyaaray kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay chelsea dalab aad u sareeya oo dhan 111 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku si ay u hesho saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sidoo kale chelsea ayaa xiddiga reer Belguim miisa u saartay lacag dhan 165 kun oo Gini todobaadkii si ay xiddiga dib ugu soo celiso kooxda xilli ciyaareedka dame.

Laakiin Chelsea ayaa ku fashilantay dalabkaas maadama  oo ay kooxda Inter Milan diiday dalabka Chelsea ku doonayso saxiixa xiddiga reer Belguim inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*