DEG-DEG: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Marcus Bettinelli kaas oo kooxda kaga soo biiray Fulham.

Goolhaye Marcus Bettinelli ayaa chelsea kaga soo biiray kooxda Fulham oo uu qaab xor ah uga yimid kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdaas.

Marcus Bettinelli ayaa noqon doona Goolhayaha 3-aad ee kooxda chelsea xilli ciyaareedka dambe isaga oo badali doona Goolhaye Willy Caballero oo ka tagay kooxda.

Goolhayaha ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono Blues isaga oo sidaas ku noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda chelsea xagaagan.

“Mar walba chelsea waa koox khaas ah, waan ogahay in uu tartan adag ka jiro booskayga laakiin waa riyo run ii noqotay in aan ku biiro koxdan”ayuu Willy Bettinelli yidhi.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*